Xoolo badan oo laga dhoofiyay Dekedda Kismaayo (Sawirro)

Illaa Saddex kun oo Nee foo Lo’ ah ayaa maanta laga dhoofiyey Dekedda Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland, kuwaas oo laga kala keenay deegaanada Jubbaland.

Xoolahan laga dhoofiyay Dekedda Kismaayo oo loo iib-geeynayo Dalka Yemen, ayaa baaritaan Caafimaad ku maray Maxjarka Xoolaha ee Magaalada Kismaayo.

Ganacstada Magaalada Kismaayo oo kaashanaya Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubbaland ayaa dedaal ugu jira suuqgeynta xoolaha nool ee Jubbaland, taasi oo muhiin u ah sare u kaca dhaqaalaha Jubbaland islamarkaana kor u qaadeysa ka faa’iidaysiga wax-soo saarka dalka oo ay xoolaha nool kamid yihiin.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading