Xubnaha Qaramada Midoobey oo Xubinimo buuxda u aqoonsaday Falastiin

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey (QM) ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey qaraar sare loogu qaadayo haykalka dowladnimo ee Falastiin, ka dib codbixin ay u qaadeen dalalka xubnaha ka ah QM,waxaa aqoonsaday in xubin buuxda oo QM ka mid ah, 143 dal, waxaa diidey 9 dal, halka 25 dal ay ka aamuseen.

Fadhiga Guud ee Qaramada Midoobey oo ay xubno ka yihiin 193 dal, ayaa sidaas xubin ugu aqoonsaday Falastiin, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay Golaha Ammaanka ee QM in aqoonsadaan xubinnimada Falastiin.

Falastiin ayaa tan iyo 2012 kor-joogto ka ahayd Qaramada Midoobey, wuxuuna qaraarkani siinayaa dhammaan xaquuqaaha dalalka xubnaha ka QM, marka laga reebo in aysan codeyn karin tan iyo inta ay ka wada ogolaanayaan dalalka rigliga ku ah Golaha Ammaanka.

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading