Xubnihii Xisbiga Wadani Oo lasii daayay

Waxaa dib u helay xorriyadoodii xubnaha xisbiga Waddani ee dhawaan la xiray kaddib dibedbax uu xisbigaasi ugu baaqay in ay taageerayaashooda isugu soo baxaan xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa.

Booliska Somaliland,ayaa xalay xabsiga ka siideysay xubnahan oo kala ahaa, xoghayihii guud ee xisbiga waddani Khadar Xuseen, Afhayeenkii xisbiga waddani Barkhad Jamac iyo Cabdi Ibraahim (Ilameereyso).

Guddoomiyaha Xisbiga Wadani,ayaa soo dhaweeyay soo deynta masuuliyiinta xisbiga Wadani.

Muddo sagaal casho ah ayay xubnahani xabsiga ku jireen.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading