Xubno katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay howlgal

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 5-aad, Guutada 16aad ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka fuliyeen deegaano Xubno ka tirsan Al-Shabaab kaga sugnaayeen Gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha hoggaamineysay Howlgalka ayaa sheegay inay Ciidanka Kumaandooska DANAB waxay ku bur buriyeen fariisimo Al-Shabaab ku sugnaayeen ,islamarkaana ka abaabuli jireen weerarada qorsheysan oo ay ku qaadaan Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Sidoo kale  Saraakiisha waxaa ay  Warbaahinta dowladda u sheegeen in howlgalka lagu dilay in kabadan 15 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo ku sugnaa degaannada howlgallada laga fuliyay.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadeen degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka iyo Mudug, iyaga oo degaano kula wareegay.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading