Maamulka degmada Beled-Xaawo & Taliska Ciidanka Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay soo bandigeen Saddex Rag ah oo ay sheegeen inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab, balse Ciidanka isku soo dhiibay.
Raggaan ayaa waxaa degmada Beled-Xaawo kusoo dhaweeyay Taliyaha Ciidamada xasilinta Gobolka Gedo Bakaal Kooke, Taliyaha Ciidamada Sirdoonka Degmada Beled-Xaawo Cabdiqadir Xuseen Ibraahin & mas’uuliyin kale.

Ragga ka tirsanaa Al-Shabaab ee la sheegay inay Ciidamada Dowladda isku soo dhiibeen ayaa waxaa ay ka howlgeli jireen degaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, balse ay haatan isaga baxeen Al-Shabaab.



Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.