Xukuumadda Puntland oo ku dhawaaqay in Lacag la siin doono Ururada Siyaasadda (VIDEO)

Ku simaha Madaxweynaha ah-na Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa sheegay in Dowladdu ay $ 90’000 doollar ay u qonddeyeen arurrada siyaasadeedyada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka oo arrintan kaga dhawaaqay xilli magaallada Qardho ka daah-furayey is diiwaan gellinta dadweynaha doorashada golayaasha degaanka oo lagu geli doono hannaanka dimuqraaddiyadda ee nidaamka axsaabta badan.

Madaxweyne ku xigeenka ah-na ku simaha Madaxweynaha ayaa sheegay in sagaalka urur siyaasadeed midkiiba la siin doono bishii $10’000 doollar si ay u dardar geliyaan shaqooyinkooda si hannaanka talada shacabka loogu gacan gelinayo uu u noqdo mid guulaysta.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading