Xulka Gobalka Mudug oo guul taariikhi ah ka gaaray dhigooda Gobalka Karkaar

Xulka kubadda cagta Gobalka Mudug ayaa Ciida Afka u daray xulka Gobalka Karkaar, kaddib markii 3 iyo 0 ay uga adkaadeen kulan kamid ah Tartanka 8-aad ciyaaraha Gobalada Puntland oo ay galabta ku yeesheen garoonka Mire Awaare ee magaaladda Garoowe.

Xulka Gobalka Mudug ayaa 3-dii daqiiqo ee ugu horeysa ciyaarta 2 Gool ku hubsaday shabaqa xulka Gobalka Karkaar, waxaana daqiiqadihii sideetamaadkii ay la yimaadeen Gool 3-aad.

Ciyaarta oo aheyd mid xiiso badan ayaa waxaa garoonka soo buux dhaafiyay masuuliyiin dowladeed iyo kumanaan taageerayaal ah oo qaarkood ay kasoo safreen deegaano kamid ah Labada Gobal, sida Gaalkacyo iyo Qardho.

Xulka Gobalka Mudug ayaa u gudbay wareegay Sama-finalka ee ee Tartanka Ciyaaraha Gobalada Puntland, waxaana guul aan shabaqooda la taaban uu kusoo dheelay Labo ciyaarood oo kamid ah heer Groupyada, isagoona leh dhibcood.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading