Xulka Gobalka Mudug oo ka gudbay wareega Group-yada ee Tartanka Ciyaaraha Puntland

Xulka kubadda cagta Gobalka Mudug ayaa u gudbay wareega 4 dhamaadka ee Tartanka 8’aad ee Ciyaaraha Gobalada Puntland ee ka soconaya garoonka Caasimadda Puntland ee Mire Awaare.

Xulka Gobalka Mudug oo ciyaartii ugu dambeysay ee Groupyada galabta la dheelay dhigooda Gobalka Gardafuu, waxaana ay kusoo dhamaatay 1-1, iyadoona xulka Mudug uu 7 dhibcood uga soo gudbeen Group-ka (B).

Sidoo kale, Xulka Gobalka Cayn ayaa kasoo gudbiyay galabta Is reeb-reebka Group-ka (B), kaddib markii uu 4-2 uga adkaaday xulka Gobalka Karkaar.

Xulalka Gobalada Karkaar iyo Gardafuu oo kamid ah Group-ka (B), ayaa isaga huleelay caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaana ay dib ugu ruqaansan doonaan magaalooyinka Qardho iyo Caluula.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading