Xulka Gobalka Nugaal oo u gudbay Finalka Ciyaaraha Puntland

Xulka Gobalka Nugaal ayaa iska xaadirayay Finalka Tartanka 8-aad ee ciyaaraha Gobalada Puntland, kaddib markii 4-2 ay galabta uga adkaadeen dhigooda Gobalka Cayn.

Ciyaartan oo xiiso badan laheyd ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis, xulka Gobalka Nugaal ayaana wareegii hore ee ciyaarta xaqiijiyay 2 Gool, oo ay ku hoggaaminayeen ciyaarta oo aheyd tii ugu horeysay ee wareega afar-dhamaadka

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa abuurtay rajo beel iyo rajo is xigay, kaddib markii xulka Gobalka Nugaal oo la yimid Goolkii 3, uu 2 Gool ka daba keenay ciyaaryahanka Khaalid Lion ee Gobalka Cayn.

Si kastaba xulka Gobalka Nugaal oo horey u heystay koobkan ayaa noqonaya xulkii ugu horeeyay ee u gudbay Finalka Tartanka, waxana uu sugi doonaa kii soo badiya xulalka Gobalada Mudug iyo Haylaan oo berri ciyaari doona.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading