Xuska maalinta cuntada Adduunka oo lagu qabtay Garoowe (VIDEO)

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dowladda Puntland lagu qabtay Xuska maalinta caalamiga ah ee Cuntada Aduunka, Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Cuntada Aduunka oo sanadkaan ay soo qabanqaabisay wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Puntland ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubno ka socday golayaasha kaladuwan ee dawlada Puntland waxaana lagu soo bandhigay qaybaha kaladuwan ee cuntada, Dalagyada iyo Qudaarta ka baxda gobolada kaladuwan ee Puntland.

Munaasabada sanadkan oo halku dhageedu ahaa “Tabcashadeenu waa Mustaqbalkeena” Waxaa ugu horayn furitaankeeda ka hadlay agaasimaha Guud ee wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada dowladda Puntland Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor” oo ka sheekeeyey muhiimada xuska maalinta caalamiga ah ee cuntada Aduunka wuxuuna sheegey in beerashadu ay muhiim u tahay nolosha iyo isku filnaanta Bulshooyinka.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Marwo. Seynab Ismaaciil Maxamed “Tiimbiye” ayaa iyana dhankeeda xustay dadaalka ay wasaaraddu ugu jirto hormarinta waxsoosaarka iyo taageerida beeralayda Puntland, waxaana ay wasiiradu sheegtay in kor loo qaadi doono tacabka iyo waxsoosaarka beeraha Puntland.

shirka waxaa sidoo kale hadalo kaladuwan ka jeediyey wasiirada wasaaradaha bahwadaagta khayraadka iyo waxsoosaarka ee xanaanada xoolaha, Kaluumaysiga, Arimaha Gudaha iyo wakiilo kasocday qaybaha kaladuwan ee daneeyayaasha waxsoosaarka Puntland, hay’adaha ka shaqeeya hormarinta beeraha, Iskaashatada beeralayda Puntland, aqoonyahanada Jaamacadaha iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casumay.

Wasiiru-dawlaha ahna kusimaha Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Mudane, Cabdirashiid Cali Geelle ayaa gabagabadii munaasabada soo xiray waxaana uu sheegey in wasaaradda Deegaanka iyo Beeruhu ay dhiirigelinayso waxsoosaarka beeralayda si loola dagaalamo Gaajada iyo isku filnaansho yarida dhanka cuntada ah.


Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading