Xuutiyiinta oo Badda Cas ka geystay weerarkii ugu ballaarnaa.

Dowladda Ingiriiska,ayaa sheegtay in Maraakiibteeda dagaalka iyo kuwa Mareykanku ay iska caabiyeen weerarkii ugu ballaarnaa oo ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen Marinnada Maraakiibta caalamiga ah ee Badda Cas.

In ka badan Labaatan Gantaal iyo Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn,ayaa la soo riday,wax dhaawac ah ama burbur ah lama soo sheegin.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in ay dhawaan u codeeyaan qaraar dalbanaya in si degdeg ah loo joojiyo weerarada.

Shirkadaha xamuulka qaada ee ugu waaweyn caalamka ayaa aagga ka wareejiyey maraakiibtooda si ay uga fogaadaan badda cas.

Falaagada ay Iran taageerto,ayaa sheegtay in ay sii wadi doonaan illaa iyo inta ay Israa’iil ogolaanayso in sahayda gargaarka bini’aadantinimo si buuxda loo geeyo Marinka Qasa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading