Yaa gadaal ka riixaya Sool in Puntland laga saaro?

Sool in ay ka baxdo Puntland,waxaa gadaal ka riixaya Sadex Garab oo kala ah…

1.Nabad iyo Nolol oo ka duulaysa ka guurista nidaamka Fadaraalka iyo dib ugu noqosahada nidaamka Halka Xaafiis iyo Halka Qof.

2.Xasan Sh iyo kooxdiisa oo ka duulaysa foolxumaynta Fadaraalka;waxayna rabaan in laga dhigo sida Kenya oo Gudoomiyayaal Gobollo la doorto xoogaa Miisaaniyad ahna loo sameeyo oo ay toos uhoos tagaan Xamar.

3.Qolada kale waa BC oo rabta in Sool iyo Sanaag loo daayo SL oo PL ka saarto Dastuurkeeda.

Musharaxii aan aragtidaas lahayn oo aan fahansanayn khataraha nagu gadaaman PL loogama baahna.

Sidoo kale Musharaxii ay kala weyn tahay dantiisa gaarka ah masiirka Ummadda Boos kuma leh ka talinta Aayaha reer Puntland.

Maanta hogaamiyaha macnaha noo leh,waa midka ku dhagaha Dastuurka isku hayntiisa.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading