Yaa hogaanka uhaya Olalaha Doorashada Madaxtooyo iyo Baarlamaan Ee Puntland?

Olalaha Doorashada Madaxtooyo ee Puntland,waxaa iskugu soo haray oo garoonkii loo baneeyay Deni iyo reer Garowe difaacanaya Taraha.

Afarta Musharax ee ugu cad-cad Doorashadan ee la saadaalinayo in ay ugudbi doonaan wareega 2-Aad,waxay kala yihiin…

1.Deni.
2.Aadan Sh.doon.
3.Abshir C.Huruuse.
4.Xasan Shire Abgaal.

Afartan Siyaasi,waxaa ugu rajo hooseeya Xasan Shire,sababtoo ah Siyaasi kasta oo ka mid ah Sadexda la loolamaysa haday isku soo haraan,waa laga raacayaa.

Xasan,waxaa la fili karaa in uu soo xodxodan karo 20-Xildhibaan,balse ay 12 u codayn doonto wareega 1-Aad.

Cawad,Mashruuc,Guuleed iyo Rag kale oo badan,waxay ubadan tahay in aysan soo dhaafin Wareega 1-Aad.

Qormadan waa xog ururin iyo saadaal khibradeed ee ma’ahan 100% say wax noqon doonaan.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading