Yaa hortaagan magacaabista Guddiyada farsamada Doorashooyinka ee labada heer ?

Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie, ayaa weli laga sugayaa inuu soo bedelo xubnaha laga saaray Guddiyada farsamada doorashooyinka ee labada heer, kuwaas oo gaaraya 5 xubnood.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Idilnews, in Ra’iisul Wasaare Mohamed Hussein Roble uu ka dalbaday Madaxweyne Qoorqoor inuu u soo gudbiyo xubnaha Guddiyada ee matalaya Galmudug si uu u soo saaro Wareegtada magacaabista Guddiyada, loona gudagalo howlaha kale ee Doorashooyinka.

Qoorqoor oo si hoose ugu xiran Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa horey u sheegay inuu ka maqan yahay Dalka, uuna bedeli doono xubnaha Guddiyada ee lagu soo celiyay marka uu soo laabto. Wararka qaar ayaana sheegaya in laga yaabo inuu Qoorqoor magacaabo saacadaha soo socda xubnaha guddiyadda Labada heer.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading