Yaa iska leh masuuliyada fashilka Amni Ee Mudug ka taagan?

Fashilka Gaalkacyo ka jira,waxaa leh Dowlada oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Maaliyada.

Waa marka koobaad ee Madaxweynuhu,waxuu hoos udhigay dareenkii gaarka ahaa ee ay lahayd Magaaladan muhiimada gaarka ah uleh amniga PL,waxuuna yareeyay dhaqaalihii iyo ka warqabkii uu siin jiray Sanadihiisii ugu horeeyay.

Wasiirka Maaliyadu,waxuu ku fashilmay bixinta Mushahaaraadka iyo Adeega Ciidanka iyo Maxkamadaha guud ahaan PL.

Si gaar ah Gobolku,waa matalaadiisii Siyaasadeed,waana muujin waayay hogaamin,waxayna noqotay shaqadiisu Xoghayn iyo Khasnaji Madaxweyne Deni oo kaliya in uu isku muujiyo.

Booliska Mudug ma qaadan Lix Bilood Mushahaar,halka Taliska Qaybtu uusan helin dhaqaalihii ku bixi jiray Adeega Afartii Bilood ee udanbaysay.

Sidoo kale Maxkamaduhu ma qaadan Afartii Bilood ee lasoo dhaafay Mushahaar iyo Adeeg.

Mudug fashilka ka jira waa mid Maamul,waana sababta keentay in Beeluhu is abaabulaan oo Xeer iyo Sharci Gacmahooda ku samaystaan,taladana ay la wareegaan Odoyaasha Dhaqanku.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading