Yaa ka danbeeya Isbaarada Maleeshiyada Jimcaale Ee Duleedka Garowe?

Maleeshiyada Isbaarada dhigatay,waxaa dhaqaale ku bixinaya Xasan,isagoo usoo marinaya Sacdiyo Salaad Gudoomiye xigeenka Baarlamaanka Fadaraalka iyo Khadar Faroole oo La taliye ugu qoran.

Ujeedka Villa Somaliya usoo abaabulayso qorshahan,ayaa ah in la carqaladeeyo Caleema saarka Madaxweyne Deni ee 23-Bishan.

Waxaa lagu tilmaami karaa dagaal hoose oo aan macno samaynayn,balse sii kala fogaynaya Somalida,isla markaana dib udhac ku ah Dowlad dhiska Wadanka.

Isma qaadan karaan udoodista Badda SL ay heshiiska kala gashay Itoobiya iyo colaad la abuurida Garowe ee Xasan wado.

Horay,wuxuu uyiri 24 -Saac ayay PL ku burburaysaa?.

Kadib,wuxuu Dhaqaale ku bixiyay fashilinta Doorashada Puntland,isagoo raba in aysanba Nabad iyo Qurux PL ka jirin?

Madaxweyne Soomaaliyeed sidee loogu tilmaami karaa Qofka leh hab dhaqankaas?


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading