Yaa ka danbeeya Mooshinka Wasiir Fiqi laga keenay?

Mooshinka laga keenay Fiqi,waxaa ka danbeeya Xasan oo raba in uu isdhaafiyo,isla markaana eeda ay qaataan Baarlamaanka.

Ujeedkiisu,waa in uu yiraahdo (Kuma diidani ee Baarlamaankaa ku diiday).

Xasan,waxaa cadaadis ku noqday hadaladii uu ka qoray ama uu ku yiri Reer KG Fiqi iyo dhaleecaynta balaaran ee loogu soo jeedinayo in uusan uqalmin Wasaarada Arimaha Dibada.

Fiqi,waxaa muuqata in uusan gaarsiisnayn Wasiirka Arimaha Dibada oo xataa Luuqad ahaan uusan diyaarsanayn,waxaana xoguhu sheegayaan Labadii Safar ee ugu muhiimsanaa midna in uu kaxaystay Yuusuf Garaad midna Cawaale Cali Kullan.

Xasan,waxa uu rabaa in uu Fiqi Cuno oo ku badalo Qof kasoo jeeda PL,isla markaana Xoosh Cuno oo ku badalo Qof kasoo jeeda Galmudug,waliba Beesha MW Qoor-qoor si uu Galmudug MW-naheeda ugu salaxo Qof kasoo jeeda Beesha Cabdiqaybdiid.

Ujeedka kale ee uu Xoosh ubadalayo,waa in uusan lahayn miisaankii uu ka filayay,wayna ku filnaan wayday Sawirka Islaan Ciise oo kaliya,waxa uu haatan isku dayayaa in uu keeno Qof Reer PL ah oo Diblomaasiyada ka diyaarsan,isla markaana BC usheegi kara in uu Deni khaldan yahay oo isagu matalo PL.

 

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading