Yaa ka danbeeyay weerarka lagu qaaday Xerada Xalane?

Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey weerar hoobiye oo lagu soo qaaday xalay, kaasi oo uu ku dhintay mid ka mid ah ilaalada Qaramada Midoobe.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska,ayaa lagu sheegay in tiro hoobiyeyaal ah ay xalay ku soo dhaceen aagga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, oo dhismaha xafiiska Qaramada Midoobe uu ku dhex-yaallo.

“Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay waxa ay door muhiim ah ka ciyaaraan xaqiijinta ammaanka iyo nabad-galyada shaqaalaha Qaramada Midoobay ee ka shaqeynaya taageerada nabadda iyo dowlad-dhisika Soomaaliya. Waxaan cambaareyneynaa falkan rabshadda ah, waxaana dareenkeena uu la jiraa qoyska iyo saaxiibada dhibbanaha inta lagu jiro waqtigan adag,” Ayay tiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Ka sokow dhimashada weerarka,ayaa sidoo kale gaystay waxyeello soo gaartay kaabayaasha Qaramada Midoobey.

Warbaahinta Al-Shabaab;ayaa sheegatay in kooxda ay fulisay weerarka.

Qaramada Midoobay ee Somaliya,ayaa ku baaqday in dadka mas’uulka ka ah weerarkan la horkeeno sharciga, waxayna sheegtay inay weli ka go’an tahay inay shacabka iyo dowladda Somaliya ka taageerto dadaallada lagu dhisayo nabadda iyo xasilloonida dalka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading