Yaa ka masuul ah dayaca Adeega Ciidanka Badda PL?

Waxaa jirta cabasho ka imaanaysay gudaha Ciidanka Badda PL,taasoo ku salaysan Laba Qodob oo kala ah….

1.Adeega Cuntada Ciidanka.
2.Adeega Caafimaadka Ciidanka.

Cabashadaas,waa dabagalay,waana soo xaqiijiyay in ay jirto oo xaqiiq tahay.

Ciidanka Badda,waxay leeyihiin adeeg Caafimaad oo markii Askari dhaawacmo waxna looga qaban waayo gudaha Wadanka dibada loogu qaado.

Adeegaas,waa la dhexgalay oo waxaa lagu soo koobay in Askariga la siiyo $5000 oo ka imaanaysa min $10 oo laga jaray Askarta kale Mushahaarkooda.

Waxaa ugu danbeeyay Askari Labada Indhood dhaawac ka gaaray hawlgalladii Garowe xilligii doorashada oo loo qaaday Hindiya,balse dhaqaale yari darteed la qali waayay oo ugu danbayna ugeeriyooday dhaawacaas.

Sidoo kale Ciidanka,waxay leeyihiin adeeg Cunto oo sareeya,kaasna,waa la dhexgalay oo waxaa la macno tiray Cuntadii qiimaha lahayd ee lasiin jiray Askarta.

1.Subixii Xabad Rootiya iyo Koobshaaha,ayaa la siiyaa.

2.Duhurkii Bariis Caano leh ama Bariis waxyar oo Suqaar ah saaran yahay,ayaa la siiyaa.

Cabashadan,waxay bilaabatay markii Agaasimaha Ciidanka loo dhiibay Wiilka Deni ay ilma Adeerka yihiin ee Cabdirabi.

Lama cadayn karo in MW Deni la og yahay oo uu ka Gows haysto iyo in isaga ay ku kooban tahay farataysiga adeega Ciidanka.

Ciidanka Badda PL ma’ahan mid la dayici karo,waa awood macno uleh Dowladnimada.

5000-Askari oo tababaran,qalabaysan oo Dowliya in la niyad xumeeyo khatar ayay keenaysaa.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading