Yaa kasoo qaybgalaya Caleema saarka Madaxweynaha Puntland?

Caleema saarka Madaxweynaha Dowlada PL ee Xubinta ka ah Dowlada Dhexe ee Fadaraalka Somaliya,waxaa kasoo qaybgalaya Madax haatan xil haysa,Madax hore,Diblomaasiyiin iyo Bulshada qaybaheeda.

Waxaa ka mid ah Madaxda kasoo qaybgalaysa…

1.Madaxweynaha Dowlada Dhexe ee Fadaraalka.

2.Madaxweynayaasha DG marka laga reebo Axmed Madoobe.

3.Madaxweyanayaashii iyo Ra’isalwasaarayaashii hore.

4.Wafuud Dowladaha Dariska ah.

5.Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka.

Si gaar ah Safaarada Itoobiya ee Somaliya way kasoo qaybgalaysaa oo waxay ka mid tahay wufuuda casuman.

In Safaarada Itoobiya lagu casumo caleema saarka Madaxweynaha Puntland ma’ahan wax lala yaabo,sababtoo ah Dowlada Dhexe ee Fadaraalka Somaliya ma jarin xiriirkii Diblomaasi,isla markaana Wadanka kama saarin Safaaradii itoobiya,sidaa daaraadeed,wuxuu ka mid yahay Safaaradaha la casumay ee Beesha Caalamka.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading