Yurub oo gelinaysa Dhaqaale farabadan Difaaceeda Amni

Yurub,waxay ku dhawaaqday in ay kor uqaadayso awoodeeda Difaac,iyadoo gelin doonta 850-Bilyan Yuro.

Dhawaaqan,waxa uu yimid markii Yurub Indhaha ku kala furtay go’aamada Trump.

Mudo dheer,waxaa u ahaa Yurub Difaaca ay isku halayso awooda Maraykanka.

Gaashaanbuurta Nato oo ay ku mudaysan yihiin,waxaa bixiya Dhaqaalaha ugu badan ee ay ku hawlgasho Maraykanka,balse Trump,ayaa su’aal ka keenay sii wadida bixinta Lacagtaas.

Trump,waxa uu taagan yahay waa in Yurub Amnigeeda gelisaa Dhaqaale oo ay isdabartaa,si gaar ah,waxaa Yurub walwal ku ah isku soo dhawaanshaha Ruushka iyo Maraykanka.

Xisbiga Dimuqraadiga,ayaa ku dhaleecaynaya Trump in uu Wadanka usii dhawaynayo dhanka Digtatooriyada Ruushka oo kasii fogaynayo Isbahaysigii Dimuqraadiyada ee soo jireenka ahaa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading