Ugu danbayn Zelensky,waxa uu aqbalay shuruud la’aan in uu saxiixo heshiiska Maraykanku ku qaadanayo Macdanta Qaaliga ah ee Dalkiisa.
Maraykanku,waxa uu ku bixiyay dagaalka Ukrain ay kula jirto Ruushka Dhaqaale gaaraya $390-Bilyan xiligii Maamulka Biden.
Balse Trump oo aragtidiisu tahay Danta Maraykanka wax walba in laga hormariyo,ayaa qaatay talaabo Lacagtaas dib loogu soo celinayo.
Trump,waxa uu joojiyay dhamaan Gargaarkii Milleteri ee uu siinayay Ukrain,taasoo uga jawaabayay diidmadii Zelensky ee Saxiixa heshiiska Nabadeed.
Zelensky,waxaa muuqata in uu haatan aqbalay waaqiciga oo aqbalay qorshaha Trump.
Ukraine Maalin iskaba difaaci karto Ruushka Maraykanka la’aantiis,mana jiro Wadan ubuuxin kara booskaas oo Maraykanka kaligiis,ayaa ugu deeqay Ukrain gargaar Milleteri oo gaaraya $65-Bilyan.
Yurub oo ka kooban 27-Wadan ma awoodo in ay Booska Maraykanka ubuuxiso Ukrain,wuxuuna gaarayaa Deeqda Milleteri ee ay siisay Ukrain tan iyo intii uu dagaalku bilowday $51 Bilyan.
6-Bilood ayay sii dagaalami kartaa Ukrain,wixii ka danbeeya,waxay ubaahan tahay Hub cusub.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.