Zimbabwe:-Mustaqbalka Mugabe oo aan kala cadayn halkuu ku danbayn doono

Mustaqbalka madaxwaynaha Zimbabwe, Robert Mugabe, ayaa u muuqda mid aan kala cadayn,xilli militariga dalkaasi ay xabsi guri ka dhigeen.

Ma jirto mucaaradad badan oo hortaagan militariga dalka Zimbabwe oo imika si toos ah ula wareegay taladii dalkaas.

Qaar badan oo ka mid ah dadka reer Zimbabwe ee ku sugan caasimada Haraare ayaa aqbalay in hogaamiyaha kali ah ee ay yaqiineen tan iyo xoriyaddii xafiiska laga qaado.

Qaar badan oo ka mid ah dadkii ay isku dhawaayeen ayaa isaga dheeraaday xaaskiisa Grace, oo loo arko in ay ahayd qofkii horseeday in militariga ay soo faragaliyaan xaaladda.

Halka ay ku sugan tahay Grace ayaan hadda la ogayn, hasa yeeshee waxaa xabsiga la dhigay dhowr ka tirsan golaha wasiirrada dalkaasi,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

 

Ururka midowga Afrika ayaa sheegay in militariga ay u xaqiijiyeen in tallaabadooda ay tahay mid kumeel gaar ah islamarkana aysan ahayn afgambi.

Gudoomiyaha midowga Africa, Moussa Faki Mahamat oo ku sugan Washington ayaa sheegay in ururka ay ka so horjeedaan isbadal waliba oo aan dastuurka waafaqsanayn oo lagu samaynayo dowlad.

Madaxa midowga Africa Alpha Conde ayaa dhankiisa sheegay in waxa ka dhacay Zimbabwe uu u muuqdo afgambi, wuxuuna ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan dib loogu soo celiyo amar iyo kala dambeyn ku dhisan dastuurka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe, Antonio Guterres, ayaa dhankiisa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Zimbabwi ay is xakameyaan.

Militariga Zimbabwe waxay beeniyeen in tallaabadda ay qaadeen ay tahay afgambi militari.

Wakiilo ka socda urur goboleedka wadamada Koonfurta Africa ee SADC ayaa garay Haraare si ay gacan uga gaystaan dhaxdhaxaadinta,hoos ka daawo muuqaalka.

 

 

 

 

 

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading